Isku xidhka ciyaaraha loo dhan yahay

Published by somfederation21@gmail.com on

Xidhiidhka Kubadda Kolayga JSL waxa uu maant ka qaybgalay Kulanka Isku-xidhka Ciyaaraha Loo Dhan Yahay oo maanta ay daah-furtay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, waxaana furay Agaasimaha Guud Md. Cabdilahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe).

Xidhiidhka waxaku matalayay Xoghayaha guud ee Xidhidhka kubada kolayag Axmed Mohamed “Riingo” oo ka jeediyay warbixinta guud ee 3 biloodka ina dhaafay iyo Sagal Maxamed, Xubin Guddida fulinta Xidhiidhka ahna Guddoomiyaha Hablaha ee xidhidhka oo sharaxday qorshayasha dhanka hablaha ee 2026.

Kulanka waxaa lagu gorfeeyay:

• Xoojinta iskaashiga wasaaradda, xidhiidhada iyo hay’adaha

• Horumarinta ciyaaraha loo dhan yahay, gaar ahaan dhalinyarada & hablaha

• Dardargelinta qorshaha saddexdii biloodba mar

Kulanku waxa uu kusoo dhammaaday is-afgarad iyo go’aan lagu adkaynayo kobcinta ciyaaraha dalka.

Allah Mahadleh.

Categories: Uncategorized

0 Comments

Leave a Reply

Avatar placeholder

Your email address will not be published. Required fields are marked *