SHAACINTA HORYAALKA HEERKA KOOWAAD EE KUBADDA

Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay furitaanka Horyaalka Heerka Koowaad ee Kubadda Koleyga ee Hargeysa, kaas oo si rasmi ah u bilaaban doona 10 November 2025.
Munaasabadda shaacinta horyaalka waxaa kasoo qaybgalay:
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,
Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha,
La taliyahaa Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,
iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xiriirka iyo kooxaha ciyaaraha.
Sidoo kale, kooxaha heerka koowaad ayaa lagu wargelinayaa inay si buuxda isu diyaariyaan tartanka horyaalka, iyadoo jadwalka ciyaaraha iyo shuruudaha tartanku si dhow loo shaacin doono maalmaha soo socda.
0 Comments